Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo faah faahiyey howlgalkiisa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, Generaal Stephen Towsend ayaa sheegay in tan iyo sanadkaan 2020-ka ay sare u qaadeen duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Stephen Towsend ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu hormuud ka yahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo uu sheegay inay weli yihiin halis jirta.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa tilmaamay in sare u qaadista duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ay tahay tallaabo loo baahnaa oo la qaaday.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dowladda federaalka uga taageera howlgallada dhanka cirka ah ee lagula dagaalamayo Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this