Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo kulan la qaatay laamaha amniga Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta  Dhuusamareeb kulan kula qaatay saraakiisha hay’adaha ammaanka ee magaaladaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayey ku xigeenkiisa, Cali Daahir Ciid, iyadoona diirada lagu saaray arrimaha ammaanka.

Qoor-Qoor oo kulanka ka hadlay ayaa saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkaasi kula dardaarmay inay xoojiyaan amniga Dhuusamareeb.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in gudaha magaaladaasi lagu qabto xafladda caleema saarka ee madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this