Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM oo shaacisay sababta ay u kordhisay howlgalladeeda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ay u kordhiyeen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan Soomaaliya.

Townsend ayaa sheegay in sababta ay sare ugu qaadeen howlgalladooda ay tahay, sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay weli qatar ku tahay gobolka.

Sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay weerarkii xooganaa oo ay dagaalyahannadooda dhowaan ay ku qaadeen xerada Manda Bay ee dalka Kenya.

“Al-Shabaab waa khatar, waa garab kamid ah Al-Qaacida, waxa aynu aragnay iyaga oo fulinaya  howlgalo dibadda ah, sida weerarkii ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Xerada Manda Bay ee Kenya, waxaa halis u ah in ay bartilmaameedsan karaan muwaadiniinta Mareykanka xitaa gudaha dalkeena, si dhaqsi ah ayay u awoodi karaan” ayuu yiru taliyaha ciidamada AFRICOM.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo la xoojiyey maalmihii ugu dambeeyey ay hoos u dhigayaan awooda Al-Shabaab.

“Sababta loo kordhiyay duqeynta Mareykanka waa in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab, waana garabka ugu dhaq-dhaqaaqa badan ee Al-Qaacida, muddo 8-bilood kahor ayaan Afrika tagay, waxaana badneed khatarta Al-Shabaab, waxaana weeraradooda ay ka tallaabeen xuduudda” ayuu markale yiri tephen Townsend.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dowladda federaalka uga taageero dagaalka Al-Shabaab, isagoo duqeymo ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this