Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo xiisada Soomaaliya kala kaashaneyso dal kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Fred Matiang iyo wafdi u hogaaminayo oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed.

Wafdigaan ayaa waxaa Addis Ababa u diray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, si ay Itoobiya ugala hadlaan xiriirka sii xumaanaya ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Galinkii dambe ee talaadadi wafdi uu hogaaminayey wasiir Fred Matinag ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta,waxaana lagu soo dhaweeyay Addis Ababa.

Wasiirka arimaha gudaha Kenya Fred Matiang ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in madaxweyne Uhuru uu faray inuu Addis Ababa kulamo kula soo qaato ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, si dowlada Itoobiya ay qeyb uga noqoto dadaalada nabadeed ee lagu xalinayo xiisada u dhexeysa xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.

Wafdigaan ayaa maalmo kahor yimid gudaha magaalada Muqdisho, waxaana kulamo ay la qaateen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimo kale.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaan caga badan ku taagneyn, maadaama labada wadan uu ka dhexeeyo kiis dacwadeed ku aadan Badda oo la hor geeyay maxkamada ICJ.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this