Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo la sheegay in ay khaarajiyeen xubno ka tirsan Saraakiishooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga twitter-ka Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in koox ka amar qaadata Hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Diiriye Abuu cubeyda ay degmada Bu’aale ku dileen madaxii hore ee Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka Banaadir Cumar Macalin Macaawiye.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kooxda Alshabaab ay xabsiga dhigeen madaxa howlgalada Amniyaatka kooxda Al-shabaab ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cumar Maxamed

Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo la sheegay in ay khaarajiyeen xubno ka tirsan Saraakiishooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this