Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka iyo Al-shabaab oo ka hadlay duqeyn kale oo ka dhacday Jannaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa mar kale shaaciyay in ay duqeyn culus la beegsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas oo dhacday gelinkii dambe ee shalay ay ku dileen 5 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan xusin magacyada xubnahaas.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadlay duqeynta degaanka deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay Mareykanka uu duqeyntaas ku diley Afar Qof oo Shacab ahaa.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay  in dadkaas lagu laayay duqeynta ay wateen Gaari xilliga lagu duqeeyay degaanka Jannaale balse faahfaahin sii dheer ma bixin.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka iyo Al-shabaab oo ka hadlay duqeyn kale oo ka dhacday Jannaale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this