Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacday saldhigyo ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku garaaceen degmada Beled-Xaawo ee G/Gedo.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay inay mar qura ku soo baraarugeen daryanka madaafiic xoog leh oo la sheegay in lagu weeraraday saldhigyadaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse ciidamada dowladda ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo ka taagaan xiisada xoogan oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this