Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA: “Al-Shabaab waxay dishay Muuse Macalin”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay in hogaamiyaha Al-Shabaab uu amray dil iyo xariga lagula kacay saraakiil ka tirsanaa kooxdaas.

Barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu daabacay in talaabooyinkaas la qaadey habeenimadii Isniinta ee todobaadkan.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadaas oo illaa iyo haatan kasoo baxday dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this