Sign in to follow this  
Deeq A.

QoorQoor oo maamul cusub u magacaabay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa maamul cusub u magacaabay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wareegto kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa Dhuusamareeb loogu magacaabay guddoomiye laba ku xigeen iyo xoghaye.

Guddoomiyaha caasimadda Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqorow oo horay guddoomiye uga soo noqday magaalada Dhuusamareeb sanadihii ay maamuleysay Ahlu-Sunna.

Sidoo kale Cabdi Xaashi Caroole ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda, halka Cabdixakiin Cabdullahi Warsame loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada degmada Dhuusamareeb.

Xoghayaha degmada ayaa sidoo kale loo magacaabay Cabdicasiis Faarax Aadan, waxaana hey’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug lagu faray wareegtadaan in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo magacaabay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

IMG-20200310-WA0010.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this