Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo Somaliland ka gacan siineyso ku biirista IPU

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibada Uganda iyo afhayeenka baarlamaanka dalkaasi.

Afhayeenka baarlamaanka Uganda Rebecca Kadaga ayaa sheegtay inay tix galin doonaan qorshaha Somaliland ee ku aadan in ay ka mid noqoto ururka baarlamaanada aduunka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano IPU.

Sidoo kale wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa wasiirka arimaha dibadda dalka Uganda Sam Kutesa kala hadlay, sida ay ugu biiri karaan ururka baaralamaanada aduunka.

Si kastaba ha’ahaatee ururka baarlamaanada aduunka ayaa ah mid caalami ah oo ay qeyb ka yihiin dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay, waxaana ururkaasi la aas aasay sanadkii 1889-kii ,iyadoo ay haatan xubno ka yihiin in ka badan 160 wadan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this