Deeq A. Posted March 10, 2020 Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu kulamo ka bilaabay magaalada Dhoobley ee gobolkaasi. KulamadaAN ayaa waxaa madaxweynuhu uu la leeyahay saraakiisha Jubbaland ee ka howlgala halkaasi, iyadoona diirada lagu saarayo dagaalka Al-Shabaab. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa kulamo kala duwan la leh odayaasha dhaqanka, waxgradka iyo qeybaha bulshada, isagoona ka xog wareysan doono xaaladda guud. Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyey Dhoobley ka waday abaabullo xoogan oo uu ku doonayo inuu Al-Shabaab uga saaro gobollada Jubbooyinka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites