Deeq A. Posted March 10, 2020 Wargeys ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya oo lagu magacaabo Capital ayaa xaqiijiyey in dowladda dalkaasi ay joojisay saamigii ay ku laheyd dhismaha iyo ballaarinta dekedda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland. Warbixin uu ka qoray Capital qorshe ay Itoobiya ku dooneyso inay dekad kaga sameysato dalka Suudaan ayaa wuxuu sheegay in Itoobiya ay saami dhan 19% ku laheyd horumarinta dekedda Berbera, isagoo xusay in todobaadkaan si buuxda loo hakiyey mashruucaasi. “Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” ayuu yiri wargeysku. Ma sheegin wargeyska cida uu xogtaan ka soo xigtay, hase’ahaatee qeybo ka mid ah wuxuu wargeyska ku wareystay wasiirka gaadiidka Itoobiya, Moges oo sharraxaad ka bixisay qorshaha ay ku doonayaan inay dekad kaga sameystaan dalka Suudaan. Itoobiya ayaa dhowaanahaan ku jirtay raadinta dekado ay maalgashato, waxaana ay heshiis dhinaca dekedaha la gashay dalalka Suudaan, Kenya, Jabuuti iyo Soomaliya. = View the full article Share this post Link to post Share on other sites