Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalal ka tirsan Yurub oo ogolaaday Carruurta Qaxootiga ee ku xaniban Giriiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Shan dal oo ka mid ah dalalka Yurub ayaa si rasmi u ogolaaday in ay qaadi doonaan oo magangelyo siin doonaan Carruurta yar-yar ee qaxootiga ah ee ku xaniban xadka u dhexeeya Dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Arrintan waxaa shaaciyay Guddigii Golaha Midowga Yurub u xil saareen in ay ka shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa xaaladda Qaxootiga waxayna guddigu tilmaameen in aan la eegan karin xaaladda ay ku sugan yihiin dadka qaxootiga ah ee wali jooga xadka Turkiga iyo Giriiga.

Wadamada Yurub ee ogolaaday inay qaadan doonaan caruurta ayaa kala ah Finland, France, Germany, Luxembourg iyo Portugal, dalalkaas oo caddeeyay inay baaritaan dhinacyo badan ah marsiin doonaan Caruurta Qaxootiga ah, waxyaalaha laga baarayona waxaa ka mid ah cudurka Corona Virus.

PUNTLAND POST

The post Dalal ka tirsan Yurub oo ogolaaday Carruurta Qaxootiga ee ku xaniban Giriiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this