Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-rasaaseyn lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada Qoor Qoor oo ka dhacday Dhuusomareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Is-rasaaseyn dhimasho leh oo u dhaxeysay laba ciidan ayaa maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo goobjoog u ahaa dhacdadan.

Is-rasaaseynta ayaa dhex martay ciidamada ilalaada u ah madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo askarta guutada 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaalada.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kadib markii madaxweyne Qoor Qoor oo dhagax dhigi rabay xarunta madaxtooyada Galmudug, oo laga dhisayo xerada 21-aad uu tagay xerada oo fariisin u ah ciidamada Xoogga ee 21-aad.

Ciidamadii ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay inay kadib diideen in madaxweynuhu soo galo halkaaas, kadibna waxaa billaabatay is-rasaaseyn socotay dhowr daqiiqo.

Wararka ayaa sheegaya in laba askari oo ka mid ahaa ilaalada madaxweyne Qoor Qoor ay halkaas ku geeriyoodeen, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Illaa iyo hadda ma cadda sida ay ku timid in ayada oo aan ciidanka joogay xarunta la war-gelin marka hore, lagana helin ogolaansho, uu madaxweyne Qoor Qoor ku damcay inuu dhagax-dhigo xarunta.

Maamulka Galmudug ayaa la filayaa inay faah-faahin ka bixiyaan dhacdadan, goor dhow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this