Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Ka Dhacay Agagaarka Dekedda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Ugu yaraan hal qof oo shicib ah ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari sida ay u warbaahinta maxaliga ah ee Puntland u sheegeen saraakiisha ciidamada amniga ee maamulka Puntland.

Qaraxan ayaa lala eegtay ciidamo ku sugnaa agagaarka dekedda Magaaladda Boosaaso, waxaana wararku sheegayaan in qaraxu uu ka dhashay miino dhulka la galiyay.

Qaraxan oo inta badan laga maqlayay magaalada ayaa wararku waxay intaas ku darayaan in wax khasaare ah ka soo gaadhin ciidammada Puntland ee bartilmaameedku ahaa.

Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay masuuliyadda weerarka, mana jirto war ka soo baxay dhinac maamulka Puntland oo la xidhiidha Qaraxaasi.

Ciidammada Amniga Puntland ayaa howlgal ay ka sameenayeen magaaladda Bosaso waxa ay ku qabqateen boqolaal qof oo looga shakisanaa inay ka tirsan yihiin kooxaha Alshabaab iyo Daacish, qaarkood ayaa booliisku sii daayeen ka dib markii ay baadhitaan ku sameeyeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this