Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan dil ka geystay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil goor dhow askari ka tirsanaa ciidaMADA dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska loogu geystay isgoyska Bakaaraha ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bistoolado, sida Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu ku geeriyooday isla goobta, iyadoona ay baxsadeen dableydii dishay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay gaareen meesha, kuwaas oo meydka marxuumka ka qaaday halkaasi.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ay laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ka bixiyeen dhacdadaasi.

Dilkaan ayaa sidoo kale qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah iyo dila qorsheysan u geysata askarta dowladda ee ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this