Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidamada DF oo dil ka geystay Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdi Fanax, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii ay murmeen askariga iyo marxuumka ayaa watay mooto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen askarigii geystay falkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo ku aadan falkaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa lagu eedeeyaa inay waxyeelo kala duwan u geystaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this