Deeq A. Posted March 10, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdi Fanax, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii ay murmeen askariga iyo marxuumka ayaa watay mooto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen askarigii geystay falkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo ku aadan falkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa lagu eedeeyaa inay waxyeelo kala duwan u geystaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites