Deeq A. Posted March 10, 2020 War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay duqeyn shalay gelinkii dambe ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo saaxibadooda Mareykanka. Dowladda ayaa sheegtay in duqeynta oo ka dhacday aaga deegaanka Janaale lagu dilay yaraan illaa afa xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites