Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Qaban-Qaabada Maalmaha Xoriyadda oo u Baaq Diray madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga qaban-qaabada Xuska 60-guuradii  Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliya ayaa Madaxda heer Federaal iyo heer dowlad gobolleed ugu baaqay in ay ka qeybqaataan xuska sannadkan 2020 oo loo aqoonsaday sannad ahmiyad gaar ah leh.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga qaban-qaabada Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada looga baahan yahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga qeyb qaatan Xuska Xoriyadda iyo Midnimada oo muhiim ah.

Sidoo kale Qoraalka Guddiga ayaa waxaa Madaxda Maamul Goboleedyada lagu faray inay magacaabaan Guddiyo ka shaqeeya Xuska Xoriyadda, isla markaana ay u shaqeeyaan sida haatan ay howsha u wadaan oo kale Guddiga ay magacaawday dowladda Soomaaliya.

1-13.jpg?w=1000&ssl=1 2-12.jpg?w=1000&ssl=1 3-12.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga Qaban-Qaabada Maalmaha Xoriyadda oo u Baaq Diray madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this