Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo ciidamo xooggan geysay degaanka Diif ee gobolka Jubada hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maamulkaas waxa geeyeen degaanka Diif ee Jubada hoose oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya

Degaankaas waxa ay ciidamada ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku gaaraan degaanno kale oo ka tirsan Jubada hoose oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab sida saraakiishu ay sheegeen.

Tallaabada ciidamada lagu kordhiyay ayaa timid kadib markii shalay gelinkii dambe iska hor imaad kooban uu dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaabin kasta oo aan la sheegin waxyeelada kala gaartay labada dhinac.

Dadka degaanka waxa ay sheegeen in saacadihii lasoo dhaafay in degaanka ay tagayeen Ciidamada Daraawiishta oo wata gaadiidka dagaalka halkaasn ay isla xalay ka sameysteen saldhigyo cusub.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Dhoobley waxa uu wadaa abaabul ciidan, waxaana dhawaan uu sheegay in qorshaha Jubbaland uu yahay gacan ku dhigista Caasimadda Maamulkaas ee Bu’aale.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo ciidamo xooggan geysay degaanka Diif ee gobolka Jubada hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this