Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaliya iyo Maraykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Jannaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa ka hadlay duqeyn dhinaca Cirka oo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay agagaarka degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday agagaarka degaanka Jannaale lagu dilay Afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa halkaas.

Qoraalka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in howlgalka duqeynta ahaa ee laga fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose aysan waxyeelo kasoo gaarin dadkii shacab ah ahaa goobta ka Agdhawaa.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa duqeymo dhowr ah ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose iyagoo sheegay in duqeymaha lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaliya iyo Maraykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Jannaale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this