Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo ciidamo badan geysay xadka Soomaaliya & Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Jubbaland ciidamo dheeraad ah ay geysay xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo cusub ka sameystay deegaanka Diif oo dhaca soohdinta labada dal.

Ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ciidamadu saldhigyo cusub ay ka sameysteen halkaasi, islamarkaana ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub.

Sida ay ogaatay Caasimada Online u jeedka ayaa ah sidii ciidanka Jubbaland ay ku gaari lahaayeen deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan kuwa heystaan dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli dagaal kula jira ciidamada huwanta.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu haatan ku sugan yahay magaalada Dhoobley oo uu ka wado abaabul xoogan, kaas oo dhawaan shaaciyey in qorshahooda uu yahay gacan ku dhigista caasimada Bu’aale.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa sidoo kale dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab, si xoogan waxaa ooga dareemayey gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this