Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar cirbad sun ah loo adeegsaday iyo cabsi xoog leh oo ka taagan Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug , waxaa ka dhacday arrin cabsi badan ku abuurtay dadka ku nool magaalada, kadib markii gabar da’ yar lagu duray cirbad sun ah.

Gabar 17-sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen koox burcad ah, iyagoo ku duray cirbad la aaminsan yahay inay sumeysneyd, taas oo illaa hadda aan la ogaan waxa ay tahay.

Shariif Maxamed Kaadiye oo adeer u ah gabadha lagula kacay falkaas oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxdaas ay gabadha weerartay xilli ay xareyneysay Ari u joogay cidda.

Shariif ayaa sheegay in kooxdaas ay wadatay mooto Bajaaj, isla markaana ay isku dayday in ay qaataan gabadha, taas oo sababta in marka hore ay ku duraan cirbad ay ku suuxday, balse laga soo gaaray inta aysan qaadan, kadib markii ay gabadhu qeylisay hal mar.

Gabadha ayaa waxaa hadda lagu baxnaaninayaa cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, waxuuna sheegay adeerkeed in weli ay la miyir daboolantahay cirbadii ay ku dureen kooxda hubeysan, oo uu sheegay in ay baxsadeen.

Dhakhaatiirta cisbitaalka ayaa sheegay in ay weli garan la’yihiin sunta loo adeegsaday gabadhaas, isla markaana ay hadda baaritaan ku wadaan, iyagoo xusay in reerka gabadha ay u keeneen cirbadii lagu duray gabadha oo dhiig leh, taas oo ay weli baarayaan.

Sidoo kale dhakhaatiirta isbitaalka ayaa sheegay in ay dib ka shaaci doonaan waxa ay tahay suntan ay gabadha yar u adeegsadeen kooxdaasi.

Reerka gabadhaas yar ayaa sheegay in cabsi badan ay lasoo deristay haatan, iyagoo maamullada Galmudug iyo Puntland ka dalbaday inay iska kaashadaan sidii loo soo qaban lahaa kooxdaas burcadda ah.

Halkan ka dhageyso weysiga gabadha la sumeeyey Adeerkeed

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Adeerka-Gabadha-dhibka-gaaray-1.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this