Deeq A. Posted March 9, 2020 Hoggaamiyeyaasha Ururuka Ahlusunna macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maalmihii ina soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garowe ayaa maanta gaaray magaalada Dubai ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta. Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo waxaa safarkooda ku wehlinaayey madax kale oo ka tirsan Ururka wafdiga ayaa markii ay gaareen magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta si weyn loogu soo dhaweeyey, iyadoo la filayo in halkaasi maalmo ku sugnaan doonaan. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxda Ahlusunna ay kulamo la qaadan doonaan madaxda ugu sareysa Imaaraadka Carabta hasayeeshee aan la ogayn ajendayaasha ay kala hadli doonaan madaxda wadankaasi. Ilo ka ag dhow hogaanka sare ee Ahlusunna ayaa sheegaya in xiriir hoose uu dhex maray madaxda Ahlusunna waljamaaca oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Garowe ka dib markii ay isaga soo baxeen magaalada Dhuusamareeb oo horay saldhig ugu aheyd. Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan isaga baxay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ka dib markii halkaas dagaal xooggan uu dhexmaray Ciidamo ay dawladda federaalka dalka gaysay halkaas iyo kuwii Ahlusunna. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites