Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Hoggaanka Ahlu-sunna oo Gaadhay Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyeyaasha Ururuka Ahlusunna macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan  oo maalmihii ina soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garowe ayaa maanta gaaray magaalada Dubai ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta.

Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo  waxaa safarkooda ku wehlinaayey madax kale oo ka  tirsan Ururka wafdiga  ayaa markii ay gaareen magaalada Dubai ee  Imaaraadka Carabta  si weyn loogu soo dhaweeyey, iyadoo la filayo in halkaasi maalmo ku sugnaan doonaan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxda Ahlusunna ay kulamo la qaadan doonaan madaxda ugu sareysa Imaaraadka Carabta hasayeeshee aan la ogayn ajendayaasha ay kala  hadli doonaan madaxda wadankaasi.

Ilo ka ag dhow hogaanka sare ee Ahlusunna ayaa sheegaya in xiriir hoose uu dhex maray madaxda Ahlusunna waljamaaca oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Garowe ka dib markii ay isaga soo baxeen magaalada Dhuusamareeb oo horay saldhig ugu aheyd.

Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan isaga baxay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad gobaleedka  Galmudug ka dib markii halkaas dagaal xooggan uu dhexmaray Ciidamo ay dawladda federaalka dalka gaysay halkaas iyo kuwii Ahlusunna.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this