Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen Oo Eedeymo Culus U Jeediyay Dowladda Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Maamulka Kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Dowladda Sharciga ee dalka Yemen ayaa waxay ku eedeeyeen Dawladda Soomaaliya inay ku soo xadgudubtay Jesiiradaha yaryar ee Soqotra ee u dhexeeya Xuduud-baddeedka dalalka Yemen iyo Somalia, isla markaana kaabiga ku haya Kanaalka Guwardafuuy iyo Gacanka Cadmeed.

Sida aan ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee almashhadalkhaleeji.com waxa uu Mas’uulka Maamulka Xuutiyiinta ugu magacaaban Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta, Axmed Daaris ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan Khaas ah oo ay Kooxdaasi shalay ku yeesheen Caasimadda dalka Yemen ee Sanca ee ay Kooxdaasi gacanta ku hayso.

Faraca Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA ee ay Xuutiyiinta maamulaan ayaa sheegtay inay DFS qabsatay, kuna soo xadgudubtay Madax-banaanida dhuleed ee Jesiiradaha Soqotra, si ay u noqoto goob cusub oo ay Somalia ka baari doonaan Shidaalka, waa sida hadalka loo dhigay.

Shirka ay Guddiga Farsamada ee Kooxdaasi shalay ku yeesheen Sanca uu Shir-guddoominayey Mas’uulka ugu magacaaban Wasiirka Gaadiidka, Zakariya Al-shaami waxa lagu sheegay inay DFS ku soo xad-gudubtay Madax-bannaanida dhuleed ee dalka Yemem, waa sida hadalka loo dhigay.

Kooxda Hubeysan ee Xuutiyiinta waxay kaloo soo hadal-qaadeen inay DFS doonayso inay QM ka ansiyaan, kana xaqiijiyaan Biyaha Gobalka iyo Jesiiradaha Soqotra, waa sida hadalka loo dhigay.

Waxayna ka digeen inay arrintaasi dhaawici doonto Walaaltinimadad iyo Xidhiidhadda Derisnimo ee Yemen iyo Somalia.

Dhinaca kale, qoraalka ka soo baxay Kooxda Xuutiyiinta Yemen waxay kaloo ku eedeeyeen Dawladda Soomaaliya inay soo degsatay ama soo Download-garaysatay Khariidada qeybaha Badda ee ay u aqoonsadeen qeybaha cusub ee Batroolka ee Jesiiradaha Soqotra waa sida hadalka loo dhigay.

Waxay kaloo ku hanjabeen inay Sharciga Caalamiga la tiigsan doonaan haddii ay DFS ama Urur ama Shirkad kasta oo Caalami ah qaadaan fal kasta oo sharci-darro ah oo ku aadan arrintaasi.

Shabakadda Wararka ee almashhadalkhaleeji.com waxay kaloo qortay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kooxda Xuutiyiinta loo idmaday inay QM iyo Xoghaayaha Guud ee QM, Antonio Guterres kala hadlaan Arrimaha Badda ee xadgudubyadda sharci-darada ee lagu carqaladaynayo Kontoroolka Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka weli kama aysan hadlin Eedeymaha Kooxda Xuutiyiinta ku sheegeen inay DFS qorsheynayso inay Shidaal ka baaraan doonaanJesiiraddaha Soqotra oo ka kooban 4 Jesiirad.

Jesiiradahaasi waxay 240-KM dhanka Bari kaga toosan tahay Xeebaha Puntland ee Somalia, halka ay Jesiiradahaasi u jiraan dalka Yemen masaafo dhan 240-KM ee Koonfurta Gacanka Carbeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this