Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan oo ka wada-hadlay doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
6-9.jpg?resize=1000%2C706&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo madaxwayne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa aqalka madaxtooyada Garoowe ku qaabilay, Wefdi uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo looga warbixiyay Kulanka, ayaa lagu sheegay  in madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan, ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.

Waxay wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan  uu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhanwalba leh ee ay siiso  dowladda Puntland.

1-12.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-9.jpg?resize=1000%2C706&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan oo ka wada-hadlay doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this