Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiinta Degmada Garoowe oo looga yeeray Baarlamanka kadib markii Cabasho laga soo gudbiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
3-10.jpg?resize=1000%2C615&ssl=1

Ganacsatada yaryar ee Kabarleeyda suuqa Garoowe, ayaa Golaha Wakiilada Puntland u gudbiyay, cabasho ay ka muujiyeen Canshuur laba-jibbaaran oo ay ku soo rogtay Dowladda Hoose ee Garoowe.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, oo Isniinta maanta ah dood dheer ka yeeshay Cabashada Ganacsatadu ka soo gudbiyeen Dowladda Hoose, ayaa isku raacay in Cabashadaas wax laga qabto, sida ku cad Qoraal ka soo baxay Baarlamanka.

 Kulanka Guddiga Joogta Golaha Wakiillada Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Gudoomiyaha Baarlamanka  Cabdirashiid Yuusuf Jibril, ayaa lagu go’aamiyay in loo yeero Mas’uuliyiinta Degmada Garoowe, si wax looga weydiiyo Cabashada ay soo gudbiyeen Ganacsatada.

Ganacsatada Kabarleyda ah ee Suuqa Garoowe, ayaa Sabtidii shaqa-joojin sameeyay, kadib markii sida ay sheegeen Dowladda Hoose ee Garoowe ay ku laba-jibbaartay Canshuurta Sannadlaha.

Ganacsatada suuqaas, ayaa sheegay in sannadkan 2020-ka ay Dowladda Hoose laba-jibbaar ku kordhisay Canshuurta sannadlaha, islamarkaana halkii Miis oo keliya la canshuuray lacag dhan $102 oo Dollar.

Sidoo kale, waxay sheegeen in Dowladda Hoose ay handadaad ku samaysay Ganacsatada danyarta ah ee suuqa, kuwaasi oo qaarkood xabsiga la dhigay, kadib markii ay awoodi waayeen, in ay bixiyaan canshuurta xad-dhaafka ah ee lagu kordhiyay.

3-10.jpg?resize=1000%2C615&ssl=1 4-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-10.jpg?resize=1000%2C672&ssl=1 6-8.jpg?resize=1000%2C741&ssl=1 7-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 8-7.jpg?resize=1000%2C575&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiinta Degmada Garoowe oo looga yeeray Baarlamanka kadib markii Cabasho laga soo gudbiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this