Deeq A. Posted March 9, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Inta la xaqiijiyey illaa 2 askari ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay taliyihii aagaasi oo magaciisa lagu soo koobay Liibaan. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana lagu soo warramayaa in goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada maamul goboleedka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites