Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyey Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo maanta ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaanka Bariire iyo tuulooyinka ku xeeran ee gobolka Sh/ Hoose.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu xaqiijinayey amniga, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan baaritaanadooda, inta laga xaqiijinayo amniga guud ee deegaankaasi.

Bariire ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee lagala wareegay dagaalyahannada  Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this