Deeq A. Posted March 9, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Safar shaqo ku tegay magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya Xubno ka tirsan labada gole ee dowlada iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland. Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweynaha waxaa inta uu ku sugan yahay dhoobley uu la kulmi doona Sarakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degaankan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo Dhoobley ku laabtay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites