Deeq A. Posted March 9, 2020 Wafdigan oo uu horkacyo wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose. Garoonka diyaaradaha waxaa wafdigaani ka socda xukuumadda federaalka ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xubnaha socdaalkaan ku wehlinaya Goodax Barre waxaa ka mid ah wasiirka gargaarka & maareynta musiibooyinka, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo xubno kale. Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaasi Baraawe ay ka fulin doonaan mashaariic kala duwan oo horumarineed. “Waxaan maanta Safar aan ku nimid aniga iyo wasiiro ka tirsan XFS, degmada Baraawe ee caasimada maamul gobaleedka Koonfur Falbeed oo aan ka sameyneyno mashaariic waxtar u leh horumarinta waxbarashada” ayuu yiri wasiir Goodax Barre. Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka qadiimiga ah ee Soomaaliya, waxaana ku yaalla xeeb iyo dekad muhiim u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites