Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wafdi ka socda XFS oo gaaray magaalada Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdigan oo uu horkacyo wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

Garoonka diyaaradaha waxaa wafdigaani ka socda xukuumadda federaalka ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubnaha socdaalkaan ku wehlinaya Goodax Barre waxaa ka mid ah wasiirka gargaarka & maareynta musiibooyinka, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo xubno kale.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaasi Baraawe ay ka fulin doonaan mashaariic kala duwan oo horumarineed.

“Waxaan maanta Safar aan ku nimid aniga iyo wasiiro ka tirsan XFS, degmada Baraawe ee caasimada maamul gobaleedka Koonfur Falbeed oo aan ka sameyneyno mashaariic waxtar u leh horumarinta waxbarashada” ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka qadiimiga ah ee Soomaaliya, waxaana ku yaalla xeeb iyo dekad muhiim u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

89623789_140102754161301_8776719446937960448_o 89299842_140102764161300_7986238189352255488_o 89388378_140102860827957_7370649709456654336_o 89437238_140102844161292_5633218898582044672_o 89438704_140102914161285_8309874467710959616_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this