Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaaraha Sudan oo Ka Badbaaday Isku-day Dil

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imanaya Sudan ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Cabdalla Xamduuk oo ka badbaaday isku-day lagu dili rabay.

Telefishinka dowladda iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaasi ayaa sheegay in kolonyo uu la socday ra’iisal wasaaraha lagu weerarray caasimadda Khartuum.

Xaaska Mr Xamduuk ayaa website maxalli ah u sheegtay in la isku-dayay in la qarxiyo gaariga uu la socday ra’iisal wasaaraha.

Waxa ay intaa ku dartay in uu badqabo oo uu fiican yahay. Ra’iisal wasaaraha ayaa la geeyay goob ammaan ah oo aan la shaacin.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this