Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Ra’iisul Wsaaraha Suudaan oo isku day dil ka badbaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
qarax.jpg?w=1000&ssl=1

Ra’iisul wasaaraha Waddanka Suudaan Abdalla Hamdok,  ayaa ka badbaaday isku day dil oo fashilmay, kadib markii qarax miino lala beegsaday kolonyo uu la socday bartamaha magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Telefishinka dowladda Suudaan, ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay la kacday kolonyada Ra’iisul wasaare Hamdok, xilli ay hoos marayeen buundada Kober ee ay deggan yihiin ciidamada Qalabka sida, balse aan wax khasaare ah ka dhalan weerarkaas.

Sidoo kale, sarkaal sare oo ka tirsan Laamaha Amniga Suudaan, ayaa Anadolu Agency u sheegay in Ra’iisul wasaare Hamdok la geeyay goob aamin ah, kadib isku dayga dil ee fashilmay, islamarkaana baaritaan hordhac ah lagu wado dhacdadaas.

Dhinaca kale, idaacad laga leeyahay Suudaan, ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaaraha isbitaal loo qaaday, si loo hubiyo caafimaadkiisa qaraxa kadib.

Idaacadda ayaa xustay, in Rasaas roobka looga dhigay gaariga Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii qaraxu fashilmay.

Hoos ka akhriso qoraalkan oo Af-Carabiya

22.png?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin: Ra’iisul Wsaaraha Suudaan oo isku day dil ka badbaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this