Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo dib u eegeyso heshiisyo ay la gashay Kenya, Eritrea & Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga ee Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa shaaciyey in wasaaradiisu ay joojisay bixinta ruqsadda dadka ka ganacsada Kalluunka ee ku sugan deegaanada maamulkaasi.

Wasiir Sulub ayaa sababta ku sheegay inay haatan ku howlan yihiin soo saarista sharci wax looga qabanayo xaalufinta kheyraadka Badda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dib u eegis ku sameyn doonaan heshiisyo uu wasiirkii isaga ka horreeyey la galay dalalka Kenya, Eritrea iyo Jabuuti.

Siciid Sulub Maxamed Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumeysiga ee Somaliland ayaa intaasi ku daray inay ka go’an tahay la socodka kheyraadka ku jira Badda.

“Waxaa aan go’aansaney Kheyraadka ku jira Badda kuwa iibka galaya iyo sida loo ilaashan karo in aanan cid dambe heshiis la gelin, Shuruucda lagu xakameynayo Maraakiibtan kheyraadka baabi’iya waxna wey diyaarsan yihiin waxna waa qabyo, dib ayaan u egeynaa heshiisyada lala galay Kenya, Eritrea, Jabuuti.” ayuu yiri wasiirku.

Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Somaliland ay u shaacisay inay ka hortagi doonto maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ka wada xeebaha maamulkaasi

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this