Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubaland oo hawlgallo ka fuliyay Gobolka Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay degaanada Qudus, Kaamjaroon, Beer-Xaani iyo Janaay Cabdalle, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaas laga sameeyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen  in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, isla markaana aysan la kulmi wax iska caabin ah oo uga yimid dhanka Al-shabaab inta uu socday howlgalka.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Jubbaland waxay  tilmaameen in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo ay sheegeen inay ku doonayaan in ay Al-shabaab ay kaga saaraan Gobolada Jubbooyinka.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Jubaland oo hawlgallo ka fuliyay Gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this