Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyeyaasha Ahlusunna Macalin Maxamuud Iyo Sheekh Shaakir Oo U Baxsaday Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Hoggaamiyeyaasha Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garoowe ayaa gaadhay Magaalada Dubai ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta.

Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo ahaa Madaxdii Xukuumadda Galmudug ayaa safarka ay ku tageen Magaalada Dubai waxaa ku wehelinayay xubno ka tirsan Ahlusunna, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda Ahlusunna ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda ugu sarreysa Boqortooyada Imaaraadka Carabta, iyagoona kala hadli doono Arrimo kala duwan oo aan weli xog dheeraad ah laga helin.

Ilo ku dhow dhow hoggaanka sare ee Ahlusunna ayaa sheegaya in xidhiidh hoose uu dhex-maray Madaxda Ahlusunna Waljamaaca ee fadhigoodu ahaa Dhuusamareeb iyo Imaaraadka Carabta.

Macalin-Maxamuud-iyo-Sheekh-Shaakir.jpg

Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan iskaga baxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, kadib markii halkaas dagaal xooggan uu dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlusunna ee isku dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this