Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS oo ku sii jeeda magaalada Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ku wajahan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa Shabelle u xaqiijiyey in madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo saacadaha soo socda ay gaari doonaan gudaha magaaladaasi.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu la xariiro xarig jar uu ku sameynayo garoonka diyaaraha degmadaas oo dhawaan dib udhis lagu sameeyay, lana casriyeeyay qaybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan (Run Way).

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu dhagax dhigi doono mashaariic kale muhiim u ah dadka deegaanka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka Baraawe oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this