Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howlgallo ka wada Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay howlgallo ka wadaan duleedka degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Howlgallada ayaa xoogoodu waxa ay ka socdaan tuulooyin iyo deegaano kaabiga ku haya magaaladaasi oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Saraaakiisha horkaceysa dhaq dhaqaaqyadaasi ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay, sidii ay u qabsan lahaayeen degmadaasi iyo deegaanada ku xeeran.

Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this