Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya: “Somalia kama helin codsi rasmi ah oo ku aadan soo dhiibista wasiir Janan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in Soomaaliya aysan dhab ka ahayn inay dooneyso in loo soo gacan geliyo wasiirka Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kasoo baxsaday Muqdisho, kuna sugan magaalada Mandhera.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi u sheegay in Soomaaliya aysan weli Kenya usoo gudbin codsi rasmi ah oo ku aadan soo dhiibista Janan, inkasta oo labada dal uu ka dhaxeeyo heshiis wada-shaqeyn oo dhanka cadaaladda ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedyo ay horey usoo saartay, oo loo qeybiyey warbaahinta kaga codsatay Kenya inay soo dhiibto Cabdirashiid Janan. Hase yeeshee Kenya ayaa rumeysan in taas laga leeyahay qorshe kale.

“In arrintan si shaacsan loo dalbo, waxaa laga lahaa qorshe siyaasadeed qarsan. Arrimaha noocan ah waxaa loo xaliyaa si doblomaasiyadeed oo qarsan,” ayuu yiri diblomaasi ka tirsan dowladda Kenya oo la hadlay Daily Nation.

“Ma ogolaan doono sababtoo ah waxay noo ekeysiineysaa inaan dad xun nahay. Xaqiiqda ayaa ah in ficillada Buulo Xaawo ay dowladda federaalka dhaawaceen, mana jirto cid jecel,” ayuu yiri diblomaasiga oo ula jeeda dalalka Reer Galbeedka ee taageera dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online oo la xiriirtay wasaaradda arriamha dibedda Soomaaliya, si ay wax ug weydiiso inuu jiro codsi rasmi ah, waa ay ka gaabsatay.

Si kastaba, ma cadda in Kenya ay soo dhiibi lahayd Janan xitaa codsi rasmi ah loo gudbin lahaa, ayada oo la og yahay sida ay isugu dhow yihiin maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe, oo Kenya ay tahay dowladda taageerada ugu weyn uu ka haysto.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Axaddii aqbalay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hoggaaminayey Fred Matiang’i, oo ah wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this