Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoorqoor oo magacaabay Guddi uu Guddoomiye u yahay Yuusuf Garaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa caawa la magacaabay Guddiga caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamulka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 12 xubnood, oo Guddoomiye u yahay wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya ahna ruugcadaa saxaafadeed Yuusuf Garaad Cumar.

Guddigan ayaa laga sugayaa shaacinta waqtiga la qabanayo xaflada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Hoos ka akhriso magacyada Guddiga

FB_IMG_1583696856074.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1583696867008.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Qoorqoor oo magacaabay Guddi uu Guddoomiye u yahay Yuusuf Garaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this