Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo magacaabay guddi uu hogaaminayo Yuusuf Garaad Cumar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa caawa magacaabay guddiga qaban-qaabada xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cudub ee Galmudug.

Guddiga loo magacaabay in ay kasoo shaQeeyaan howshaas ayaa ka kooban 12 xubnood, iyadoo guddoomiye looga dhigay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

Warqadda kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor laguma shaacin waqtiga ay dhaceyso xafladda caleema saarka, isaga iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Guddigan la magacaabay ayaa waajibaadkiisa lagu soo koobay laba qodob oo kala ah:

1 – In ay soo asteeyaan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

2 – In ay dejiyaan qorshaha guud ee caleema saarka iyaga oo kaashanaya Madaxtooyada Galmudug.

Halkan ka aqriso warqadda

89099179_2720445481415019_64217665876608 89767545_2720445551415012_85550799617303

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this