Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo ka hadashay xiisada gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saarey xaalada gobolka Gedo, ciidamadda ay dowladdu ku daabushay halkaas iyo dagaalkii 2-dii bishaan Maaj ka dhacay magaalada Beledxaawo.

Ugu horeyntii, waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin dhaqdhaqaaqyadda oo ay sheegeen in ay abuureyso xasilooni daro.

Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayay ku booriyeen in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo hurineysa colaad kuna bedelaan iskaashi.

Wadahadalkii ay telefoonka ku yeesheen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta ayay soo dhaweeyeen.

Urur goboleedka IGAD oo ay muujiyeen in uu ka shaqeeyay arrintaas ayay ku tartarsiiyeen in uu sii wado wadaxajoodyada inta xal laga helayo.

Beesha caalamka ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in sharciga la marsiiyo qof kasta oo lagu eedeeyo dambiyo ama xadgudubyo.

Ugu dambeyntii, dowladda iyo maamul goboleedyada si gaar ah Jubaland ayay ku waaniyeen in ay u midoobaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha hortabinta u leh qaranka sidda doorashooyinka iyo deyn cafinta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this