Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo ku baaqday in wada-hadal lagu dhammeeyo Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka iyo Ururada ku bahoobay Beesha Caalamka, ayaa Walaac xooggan ka muujiyay Xiisadda Colaadeed ee u dhexaysa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, taasi oo ka aloosan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka iyo  Qaramada Midoobay, ayay sidoo kale ku sheegeen in dagaalkii bishaan Maarso ka dhacay degmada Beled xaawo uu sababay Khasaare kala duwan iyo bara-kaca dad rayid ah.

Beesha Caalamku, waxay dhinacyada dowladda Federaaalka iyo Jubaland ugu baaqday in ay is xakameeyaan, islamarkaana yareeyaan ciidamada labada dhinac ka jooga gobolkaasi Gedo, si looga baaqsado dagaal iyo rabshado halkaasi ka dhaca.

Sidoo kale, Beesha Caalamku waxay ku boorrisay dhinacyada, in la ilaaliyo xasiloonida xuduudka saddex-geeska ah ee u dhexeeya Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, maadaama Amniga saddexdaasi dal uu isku xiranyahay.

Dhinaca kale, Beesha Caalamka ayaa ku boorrisay dowladda Federaalka iyo Jubaland in ay wada-hadal ku dhammeeyaan wixii khilaaf ah oo ka dhexeeya, si loo dar-dar geliyo dagaalka Al-shabaab, balse waxay taageertay in la qabto oo sharciga lala tiigsado cid kasta oo ku eedaysan xad-gudubyo ka dhana xuquuqda Insaanka.

Ugu dambeyntii, Beesha Caalamku waxay ku baaqday in wada-hadal iyo iskaashi buuxa oo dhexmara dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada dalka, si loogu midoobo dagaalka Al-shabaab iyo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo ku baaqday in wada-hadal lagu dhammeeyo Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this