Sign in to follow this  
Deeq A.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo Garoowe laga xusay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Arrimaha Qoyska dowladda Puntland, ayaa maanta oo Axad ah caasimadda Garoowe ku qabatay, Munaasabadda xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo ku beegan 8-da Maarso sannad kasta.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamida Haweenka ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, Mas’uuliyiinta Ururada Bulshada Rayidka ah, saraakiil ka socday Hay’addaha UN-ka iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Arrimaha Qoyska dowladda Puntland Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, oo Khudbad ka jeedisay Munaasabadda, ayaa hambalyo ku aaddan xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka, waxay  u dirtay dhammaan Haweenka Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

Waxaan rabaa inaan Hambalyo u dirayaa dhammaan gabdhaha Reer Puntland, gabdhaha Soomaaliyeed iyo Gabdhaha Caalamka xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaan idiin rajeynayaa farxad, baraare iyo guul” ayay tiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka sheekaysay guulaha waaweyn ee Wasaaraddu ka gaartay Hormarinta Arrimaha Haweenka iyo ilaalinta xuquuqdooda, gaar ahaanna cirib-tirka Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka oo uu kamid yahay kufsiga.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo isna  khudbad muhiima ka jeediyay xuska maalintaas caalamiga ah ee Haweenka Adduunka, ayaa si mugleh uga hadlay dawrka shariifka ah ee Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dalka.

Puntland mashaariicda ay horumarka ka gaartay oo caafimaadka iyo waxbarashada ugu horreeyaan xooggiisa guulaha laga gaaray waxaa laf dhabar u ah waa gabdhaha taas waad ku amaanantihiim runtii, horumarka bulshada ayaad laf dhabar u tihiin oo aad qeyb weyn ka qaadayaan” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Halkaan ka eeg sawirada oo dhan

1-10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 2-10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 6-7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 7-8.jpg?resize=1000%2C714&ssl=1 8-6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 9-6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 10-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 11-3.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 12-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 13-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 14-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo Garoowe laga xusay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this