Deeq A. Posted March 8, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen konlonyo ka tirsan AMISOM oo marayey duleedka degmada Balcad. Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo raggii weerarka qaaday. Ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey, balse saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites