Deeq A. Posted March 8, 2020 Roodo Jeylaani Roobow oo dhaawac aheyd ayaa dayac iyo daryeel xumo ugu geeriyootay isbitaalka guud magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Haweeneyda ayaa la dhigay isbitaalka, kadib markii ay dhaawacday haweeney kale oo ku hubeysneyd qoray nooca AK47. Qof ka mid ah dadka deegaanka ee magaalada Marka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in marxuumadda ay dayaceen dhaqaatiirta isbitaalka, kadib markii ay wax ka qaban waayeen xaaladeeda caafimaad, wuxuuna intaasi ku daray in dhaqaatiirtu aysan laheyn taqasus fiican, islamarkaana ay ku tababartaan dadka la keeno isbitaalka. Isbitaalka guud ee magaalada Marka waxaa gacanta ku haya NGO la yiraahdo Ayuub, kaas oo awood u heli waayey in dhaqaatiir tayo leh u geeyo isbitaalka. Dhacdadaan ayaa sidoo kale walaac xoogan ku beertay dadka shacabka ah eek u dhaqan magaalada Marka iyo deegaanada ku xeeran. Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ku yaallo isbitaallo waa weyn oo aad loo mahdiyey, sida isbitaalka magaalada Shalanbood ee gobolkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Shardi.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites