Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo aqbalay marti-qaad uga yimid Uhuru iyo kulankii Villa Somalia oo war laga soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay uga hadashay kulan maanta Villa Somalia ku dhex maray madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hoggaaminayey red Matiang’i, ee marti-qaadka soo gaarsiiyey.

Hoos ka aqriso qoraalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay wafdiga Dowladda Kenya ee soo gaaray dalka muhiimadda ay leedahay ka miro-dhalinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, isagoona rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo isweydaarsiga aragtida guud ee xiriirka labo geesoodka ah, iyada oo la xaqiijinayo xasilloonida iyo danaha wadajirka ah ee heer Gobol.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha kulankan waxaa ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

WhatsApp_Image_2020-03-08_at_4.12.12_PM_ WhatsApp_Image_2020-03-08_at_4.12.05_PM. WhatsApp_Image_2020-03-08_at_4.12.12_PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this